Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan Suuriya oo 76 kun oo qof ay ku dhinteen

Kooxaha u dhaqdhaqaaqa xuquuqul aadanaha ayaa sheegaya in sanadkii tagay ee 2014, dalka Suuriya lagu dilay in ka badan 76,000 oo qof. ku dhowaad 20 kun oo dadkaasi ah waxa la rumaysanyahay in ay yihiin dad shacab ah.

Tiradan ayaa muujineysa in 2014-ka ay ahayd sanadkii ugu dhimashada badnayd dalkaasi Suuriya tan iyo markii uu dagaalka bilwaday 2011-kii.

dadka ugu badan ee sanadkii hore dhintay waxa ay ahaayeen ciidamada dowladda Suuriya, dagaal yahaniinta mucaaradka, iyo kooxaha jihaaddoonka ah.

Dagaalka Suuriya ayaa waxa uu socdaa muddo ku dhow afar sano.