Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Gargaar la gaarsiiyay degmada Buulaburde

Markii ugu horaysay ku dhowaad muda sanad ah ayaa waxa uu gargaar gaaray magalaada Buula Barde ee gobolka Hiiran.

Magaalada ayaa go'doonsanayd bilooyin kaddib markii kooxda shabaab oo laga saaray magaalada ay xireen wadooyinkii galayey magaalada

Bartamihii bishii decembar waxaan sii daynay warar sheegayey in lix qof ay gaajo ugu dhinteen magaaladaasi buula-barde.

Haddaba shalay ayaa waxa maagalada gaaray 8 baabuur oo siday cuno gargaar ah kuwaas oo ay ilaalinayeen ciidamada AMISOM iyo Kuwa dowladda.

Axmed Haji Hassan ayaa arrintaas waxa uu ka waraystay Guddoomiyaha degmada Buula barde Cabdiasiis Duurow Cabdi.