Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qodobada la hakiyay ee sharciga ammaanka ee Kenya

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa joojisay dhaqangalinta qeybo ka mid ah sharci muran badan uu ka dhashay, oo la doonayey in loo isticmaalo la dagaalanka argigixisada.

Maxkamada sare ayaa waxa ay joojisay 8 qodob oo ka mid ah sharcigaas kuwaas oo taabanayay xuquuqda aadanaha.

Isbahaysiga Mucaaradka ayaa maxkamada geeyey dacwad uu ku doonayey in meesha looga saaro sharcigan.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Diiriye (Dhakalow), waa xubin ka tirsan isbahaysiga mucaaradka ee CORD, waxa uu u waramay Cabdifitaax Ibraahim Cagayare.