Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dowladda oo xirtay idaacad muqdisho ka howlgasha

Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa shalay hawada ka saaray idaacadda Risaala ee magaalada Muqdisho, iyagoo isla markaana xabsiga dhigay agaasimaha idaacaddaasi Maxamed Cabdiwahaab Cabdulaahi, tafaftire Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar, iyo weriye la yiraahdo Maxamed Cabdi Cali.

Ilo ku dhaw dhaw dowladda Soomaaliya ayaa BBC-da u sheegay in weriyayaashan loo xiray arin la xiriirta waraysi ay idaacadda Risaala baahisay maalintii jimcaha, kaas oo ku saabsanaa qof ka soo laabtay galbeedka Afrika oo la sheegay in lagu arkay astaamaha cudurka Ebola, hayeeshee wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay xaqiiisay inaanuu kiiskaasi jirin.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa xarigga weriyayaasha iyo idaacaddan ka weraystay weriye la yiraahdo Muxiyadiin Macalim Cabdulle oo ka hawlgala Radio Risaala, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay sida xarigga weriyayaashu u dhacay.