Ardey
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barakacayaal buundo sare ka keenay imtixaanka Kenya

Todobaadkii hore ayey aheyd markii lagu dhawaaqay natiijooyinka imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ee Kenya. Tiro ka yar kala bar ardadii u fariisatay imtixaanaadka Dugsiyada Hoose Dhexe ayaa helay ugu yaraan kala bar darajada guud oo ah 500.

Balse xaaladdu sidaa uma aanay wada xumeyn ee waxaa jira arday darajo wanaagsan ka helay imtixaanaadka.

Fardowsa Cumar Macalim iyo Cabdinaasir Cumar Macalim, waa laba arday oo walaalo ah waxa ay natiijo fiican ka helaan imtixaankii guud, weliba iyagoo imtixaanaadka ku galay xero ay ku nool yihiin dad ka soo barakacay colaaddii saameysay qeybo ka mid ah deegaanka Mandera.

Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa la hadlay Fardowsa Cumar iyo aabaheed Cumar Macalim Jimcaale, marka hore waxa uu ku hormaray Cumar Macalim Jimcaale.