Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weriyayaal tababar ugu soo geba gaboobay Nairobi

Jamacadda Nairobi ee dalka Kenya waxa lagu soo xiray tababar laba bilood u socday 9 weriye oo Soomali ah oo ka hawl-gala idaacado kala gedisan oo ku yaala Soomaaliya.

Weriyayaashan ayaa waxyaabaha la baray waxaa ka mid ahaa qaabka ay u shaqeyso saxaafadda, sida weriyuhu uu naftiisa ku badbaadin karo iyo shuruucda iyo qeynuunka u dejisan saxaafadda.

Waxa laga doonayaa in ay iyaguna sii tababaraan suxufiyiinta ay la shaqeynayaan.

Haddaba markii uu tababarkaasi u soo xirmay ayaa Abdifitaah Ibraahim Cagayare waxa uu dood u qabtay saddex ka mid ahaa weriyayaashaasi oo kala ah Juuriye Maxamed Ciise oo ka hawgasha Radio Cabud-waaq, Cawil Maxamed Cabdi,oo ah agaasimaha Radio Galkacyo iyo Axmed Weli Xussein Maxammud oo ah Tafaftiraha guud ee Idaacada Goobjoog FM kana hawlgala Muqdisho.

Waxa hadalka ku hormaray Axmed Weli Xussein Maxamuud oo sharaxyaa waxa uu ku saabsanaa Tababarkaasi.