Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Indha fiiqis ka bilaabatay magaalada Muqdisho

Dhakhaatiir ka kala socota Cisbitaalka Al-basiir ee wadanka Pakistan iyo Cisbitaalka indhaha ee Al-nuur ee Soomaaliya ayaa hawlo daweyn iyo indho fiiqis ah ka bilaabay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Dadka indhaha loo fiiqay ama daweynta loo sameeyay ayaa ka kala yimid gobolada wadanka qaarkood iyo dalalka dariska ah iyadoo hawlahaasi ay ahaayeen kuwa bilaasha oo aan wax lacaga laga qaadaynin bukaanada ka cabanayay xanuunnada ku dhaca indhaha.

Weriyaha BBC Ibraahim Maxamed Aadan oo saaka tagay Cisbitalka Al-nuur ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.