Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shirkii IGAD ee Muqdisho maxay aheyd muhiimaddiisu?

Magaalada Muqdisho waxa shalay lagu soo gebagabeeyay shirkii aan caadiga ahayn ee 53aad ee wasiirrada arrimaha dibedda ee wadammada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD.

Waa markii ugu horreysay mudo ku dhaw sodon sano oo ay Soomaaliya marti galiso shirka IGAD, waxayna tani muujinaysaa sida xaaladdu usoo hagaagayso inkastoo weli kooxda Al-Shabaab ay weerraro ka gaysato caasimadda iyo magaalooyinkii laga saaray.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee waddanka Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, oo ka mid ahaa wasiirradii ka qeyb galay shirkii IGAD ayaa ku tilmaamay wax lagu farxo sida Soomaaliya ay u marti galisay shirkan, isagoo dhanka kale ka hadlay isbadallada uu Muqdisho ku arkay muddadii uu joogay.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa ugu horeyn weydiiyay wasiir Maxamuud sida uu arko in Soomaaliya marti galiso shirka IGAD.