Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

IGAD oo Muqdisho ku shiraysa

Maanta waxaa magaalada Muqdisho ka furmaya shirka wasiirada arrimaha dibadda ee urur goboleedka IGAD.

Waa markii ugu horraysay dhowr iyo labaatan sano oo kulan heerkan ah lagu qabto caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankan waxaa looga hadlayaa guud ahaan xaaladda Soomaaliya iyo hiigsiga 2016-ka.

Haddaba Cabdifitaax Ibraahim Cagayare ayaa khadka telefoonka ee magaalada Muqdisho ku wareystay weriyaha BBC Ibraahim Mohamed Aadan.