Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maamulka Somaliland "halaga daayo qabyaaladeynta"

Professor Axmed Ismaaciil Samater, ayaa sheegay baahida loo qabo in Somaliland la kala saaro siyaasadda iyo qabyaaladda iyo in guud ahaan dadka reer Somaliland iska wada dhex arkaan xukunka laamaha dawladda.

Professor Axmed Ismaaciil Samater, wuxuu sidaasi ka sheegay muxaadarooyin is daba joog ahaa oo uu maalmahan danbe u jeedinaayay ardada jaamicadaha Hargeysa, Boorama, Burco iyo Berbera.

Weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayaa wareystay Professor Samater, wuxuuna ugu horreyn weydiiyay nuxurka muxaadarooyinka uu ardada jaamicadaha Somaliland u jeedinayay.