Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Heerka Tallaalka Soomaaliya iyo qiimaha tallaalka oo sarakacay

Hay'adda Dhakhaatiirta aan Xudduuda Lahayn ee Medecins Sans Frontieres (MSF) ayaa soo saartay warbixin ballaaran oo ku saabsan qiimaha tallaalka adduunka.

Warbixintan oo loogu magac daray "The Right Shot" ayaa waxa ay daaha ka qaadaysaa caqabadaha hor taagan in carruur badan la tallaalo, oo ay ka mid tahay kharashka cirka isku shareeraya ee tallaalka.

Qiimaha ku baxa tallaalka ayaa kor u kacay 14-kii sano ee la soo dhaafay.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay wadammada uu aadka uhooseeyo talaalka, oo waxa uu tallaalku gaaraa boqolkiiba 30 dadkii loogu talagalay.

Dr Cabdiqani Sheekh Cumar waa Agaasimaha Guud ee Wasaarada Caafimaadka ee Soomaaliya, waxa uu arrintaa uga warramay Suheyba Maxamed Badqas.