Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dayac tirka wadooyiinka magaalada Hargeysa

Magaalada Hargeysa waxa ka socda hawlo dib u dayactir wadooyinka iyadoo ay jiraan cabashooyin dadweynuhu ka cabanayaan jihooyinka baabuurtu u maraan wadooyinka oo is bedel lagu sameeyay todobaadkii hore.

Haddaba weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa wuxuu ka wareystay arimahaasi, Duqa magaalada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid {Cabdiraxmaan Soltelco}, wuxuuna ugu horeyn weydiiyay wadooyinka dayactirku ku socdo hadda.