Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Axmed Madobe oo ka hadlay dhameystirka maamulka Jubaland

Goballada Jubooyiinka ayaa dhowaan la filaayaa in laga billaabo soo xullidda golaha baarlamaanka maamulka Jubaland.

Dhammaan degmooyiinka gobolladaasi ayaa laga billaabaayaa in laga soo xulo xubnaha ka mid noqonaya baarlamaankaasi.

Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegayaa inay billaabayaa inay soo saaraan dadka ka mid noqonaya baarlamaankaasi.

Arrintan ayaa imaaneyso iyadoo weli maamulka Jubaland uusan gaarin degmooyiinka qaar oo ay weli ku sugan yihiin Al-shabaab iyo kuwo aan laga soo dhaweyn oo dadka ku nool ay diidan yihiin.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah madaxweynaha maamulka Jubaland oo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku sugan, ayaa Axmed Xaji Xasan uga warramay arrimahaasi........