Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxamed Axmed Kuluc oo geeriyooday

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Maxamed Axmed Kuluc waxaa lagu tilmaamaa fanaanka ugu heesaha badan

Mid ka mid ah dadkii xuddunta u ahaa fanka Soomaalida, Allaha u naxariistee, Maxamed Axmed Kuluc ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Kuluc oo ku soo jiray fanka Soomaaliya muddo ka badan nus qarni ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Agaasimaha cisbitaalku Dr. Axmed Cumar Askar, ayaa sheegay in fanaanka Kuluc ay neeftu qabatay oo loola soo cararay cisbitaalka, kuna geeriyooday qaybta gargaarka degdega ah.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Cukuse, ayaa sheegay in Maxamed Axmed Kuluc aas qaran loo qaban doono, Madaxweynaha Somalilandna tacsi u diray qoyskii iyo shacabkaba.

Kuluc wuxuu ka mid ahaa dadkii udub dhexaad u ahaa fanka Soomaaliya.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa fanaanka ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliya.

Haddaba Taariikhdiisi ayaa ka wareystay fanaanka Maxamed Aadan Dacar oo dhinac ay walaalo ay ka yihiin, isla markaana fanka ay ku wada jireen, waxaana isaga oo jooga deegaanka uu ku dhashay ee Oodweyne, gaar ahaan degmada Khatuma aan telefonka ku weydiiyay bal inuu iiga warramo halkii uu ku dhashay.