Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xasan Aadan Samatar oo ka hadlaya taariikhda Kuluc

Lahaanshaha sawirka BBC World Service

Allaha u naxariistee, Maxamed Axmed Kuluc ayaa ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Kuluc oo ku soo jiray fanka Soomaaliya muddo ka badan nus qarni ayaa maanta ku geeriyooday isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Kuluc wuxuu ka mid ahaa dadkii udub dhexaad u ahaa fanka Soomaaliya.

Waxaa lagu tilmaamaa inuu ahaa fanaanka ugu heesaha badan fanaaniinta Soomaaliya.

Haddaba Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa ka wareystay taariikhdiisi xagga fanka Xasan Aadan Samatar oo ay isla soo shaqeeyeen Maxamed Axmed Kuluc.