Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xaalad bani'aadanimo oo ka taagan Waajid

Wararka laga helayo magaalada Waajid ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in xaalad bini'aadanimo oo aad u liidata ay ka jirto deegaankaasi.

Arrintan ayaa ka dhalatay go'doomin ay Al-shabaab ku heysay 11-kii bilood ee la soo dhaafay deegaankaasi.

Qaar ka mid ah dadka ku nool magaalada Waajid ayaa la sheegayaa inay la ildaran yihiin gaajo iyadoo meelaha qaarna macluul laga soo sheegayo.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho, Ibraahim Maxamed Aadan, ayaa taleefanka kula hadlay gudoomiyaha degmada Waajid, Xasan Aadan Cali, wuxuuna marka hore waydiiyay xaaladda bini'aadanimo ee deegaankaasi.