BBC
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun canshuur oo laga furay xadka Galdogob

Xadka Soomaaliya iyo Ethiopia gaar ahaan meel u dhow magaalada Galdogob, waxaa markii u horeysay ay yeelatay xarunta canshuuraha badeecadaha ee badeecadaha soohdinta u kala gudba.

Waxay ka dambeysay heshiis dhawaan dhexmaray Ethiopia iyo maamulka Puntland ee Soomaaliya, waxaana Puntland ay rajenaysaa in ay ka faa'ideysato Itoobiya oo ah waddan aan lahayn dekad ay wax uga soo dagaan, oo ay ku nool yihiin 80 milyan oo qof.

Hassan deeq Cabdullaahi Haybe, ayaa khadka telefoonka ee Garoowe, wuxuu ku waraystay Wasiirka Warfaafinta iyo isgaarsiinta ee Puntland, Cabdiwali Xirsi Cabdulle (indha-guran) oo marka hore uga waramay heshiiska ethiopia-puntland.