Xuska qoridda Af-Soomaaliga
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

42 Guurada qoridda Soomaaliga

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in maanta wixii ka danbeeya xarumaha iyo xafiisyada dawladda aan looga shaqayn karin waxa aan ahayn luuqadda Soomaaliga iyadoo maanta wadanka laga xusayo maalintii ugu horeysay oo wargays Soomaaliyeed ku soo baxay af Soomaali.

Xaflad lagu qabtay Muqdisho ayuu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ka sheegay in la soo gabagabeeyay jahwareerka xagga luuqadaha ee ka dhex jiray xiriirka xafiisyada dawladda.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo ka qaybgalay xusaska loo samaynayay maalintaasi ayaa warbixintan halkaasi ka soo diray.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Koronto ayaa ka waraysanayay Siciid Cabdisalaan jawiga maalintii ay qoreen Wargayskii ugu horeeyay ee Af-Soomaali ah ee Xiddigta Oktoobar.