Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxweyne Erdogan oo Muqdisho booqanaya

Madaxweynaha Dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa maanta la filayaa in uu booqasho ku yimaado caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Waa markii labaad oo uu booqanayo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan aheyn ee booqda Muqdisho tan iyo burburkii dowladdii dhexe.

Wixii ka dambeeyay socdaalkii Erdogan ku yimid Soomaaliya, waxaa sii xoogeystay xiriirka labada dal.

Weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimu, ayaa warbixintan ku eegaya xiriirka dhinacyada badan leh ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.