Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Warbixin ku saabsan xiriirka Turkiga iyo Somalia

Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa maanta la filayaa in uu booqasho ku tago caasimada Soomaaliya, kaddib markii uu jimcihii baajiyay safar qorsheysnaa oo uu soomaaliya ku tagi lahaa.

Waa markii labaad oo uu booqanayo Soomaaliya tan iyo sanadkii 2011-kii, xilligaasi oo uu noqday Rai'sal wasaarihii ugu horeeyay ee aan Afrikaan aheyn ee booqda Muqdisho tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe.

Wadooyinka magaalada ayaa waxaa lagu xardhay calamada Soomaaliya iyo Turkiga, iyada oo la xadiday dhaq dhaqaaqa wadooyinka muhiimka ah.

Wixii ka dambeeyay socdaalkii ugu horeeyay ee uu Erdowan ku tago Soomaaliya, waxaa sii xoogeystay xiriirka labada dal.

Haddaba weriyaha BBC ee Muqdisho Maxamed Ibrahim Macalimu ayaa warbixintan ku eegaya xiriirka dhinacyada badan leh ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga.