Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabsi laga qabo xagjirka qabsaday Giriigga

Hogaamiyeyaasha Midawga Yurub waxa ay u digniin u direen dawladda Giriigga ee cusub waxayna ugu baaqeen in ay ilaaliyaan balanqaadyadii gunti giijiska dhaqaalaha ee ay horay u galeen iyo daymaha lagu leeyahay.

Alexis Tsipras, oo ah Rai’sal wasaaraha cusub ee la dhaariyay ayaa balanqaaday in uu soo afjaridoono hanaanka gunti dhuujiska ee wadankiisa, uuna dib wadaxaajood uga gali doono daymaha lagu leeyahay Giriigga.

Haddaba si aan wax badan uga ogaano walaaca midawga Yurub uu arrintaas ka qabo iyo guud ahaan sida dhaqaalaha caalamku uusan u kala maarnin ayaa Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe waxa uu khadka taleefanka ku waraystay Bare sare Cabdi Daahir Diiriye oo wax ka dhiga jaamacadda Muqdisho.