Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo qabatay baasabooro been abuur ah

Ciidanka waaxda socdaalka ee garoonka diyaaradaha ee Cigaal ee magaalada Hargeysa ayaa soo bandhigay paasapooro ay qabteen bilihii u danbeeyay oo dalalka reer galbeedka laga leeyahay oo dad rakaab ahi doonayeen inay si sharci darro ah ugu tahriibaan Yurub , iyo woqooyiga Amerika.

Taliyaha Guud ee ciidanka waaxda socdaalka somaliland Korneyl Maxamed Cali Yuusuf {Maxamed Canbaro} ayaa uga waramay arinkaasi Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige.