Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Shiinaha iyo Afrika oo heshiis cusub sixiixday

Midowga Afrika iyo dowladda Shiinaha ayaa kala saxiixday heshiis ballaaran oo lagu dhisayo kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka qaaradda.

Heshiiskan oo qeyb ka ah hiigsiga 2063-da ee Midowga Afrika, ayuu Shiinaha ku dhisi doonaa wadooyin casri ah, khadad tareenno uu xawaarahoodu sareeyo iyo garoomo ama madhaaro caalami ah.

Haddaba yaa faa'iidada ugu badan ka helaya xiriirka dhaqaale ee Shiinaha iyo Afrika? Ambassador Cabdirashiid Seed ayaa xiriirka Afrika iyo Shiinaha ugu warramay weriyaha BBC Maxamed Cabdiraxmaan Sheekh oo safar shaqo ku joogga xarrunta Midawga Afrika ee Addis Ababa.