Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Culays haysta macallimiinta Mandhera

Tan iyo Markii malayshiyo hubaysan ay 28 qof oo bas saarnaa ku dileen degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, ayaa waxa ay cabsi soo foodsaartay shaqaalaha macallimiinta u badan ee ka soo jeeda qawmiyadaha aan Soomaalida ahayn ee Kenyan-ka ah ee ka hawlgala deegaankaasi.

Waxaa cabsidaas sii xoojiyey markii tiro kale oo xoogsato ah lagu laayey meel baadiya ah oo ay dhagax ka jebinayeen.

Macallimiin tiradoodu yartahay oo ah Soomaalida Kenyanka ah ee gobolkaasi ka soo jeeda ayaa hadda dugsiyada wax ka dhiga, waxaana soo baxaya cabashooyin ku saabsan culays badan oo haysta macallimiintaas, iyo baahi badan oo loo qabo bareyaal intaas ka badan.

Weriyaha BBC Bashkas Jug soo dhacay ayaa warbixintan ku eegaya baaxadda ay leedadahay arrintaas iyo sida gobolka looga dareemay.