Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xarun cusub oo ay Muqdisho ka furteen Qurbajoogtu

Golaha qurba joogta Soomaaliyeed ayaa xarun cusub ka furtay Soomaaliya kaddib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho oo ay ka qaybgaleen xubno u badan qurba joogta Soomaaliyeed ee dalka dib ugu laabtay.

Sanadihii u dambeeyay Soomaali badan oo ka imaanaysay dibadaha ayaa wadanka dib ugu laabtay iyagoo maalgashi ku samaysanaya, waxay sidoo kale ka shaqeeyaan hay'addaha dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahyn.

Haddaba weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan ayaa agaasimaha golaha qurba joogta Soomaaliyeed Cabdi Xariir Baaruud ka waraystay waxyaabaha ay qabtaan.