Natiijadii Group D

Lahaanshaha sawirka Getty

Ciyaartii la wada sugayay todobaadkan ayaanan noqon sidii ay dad badan filayeen, oo labada kooxoodba waxay u muuqdeen inay gaadmo isugu jiraan.

Qeybtii hore ee cayaarta ayey labada kooxba ku dheeleen si kalsooni iyo firfircooni ah.

Cameroon ayaana u muuqatay inay hoggaanka ciyaarta qaban doonto laakiin ciyaaryahan Max Gradel ayaa ka faa’iidaystay hubaal la’aanta difaaca Caremoon halkaana uu gool cajiib ah ka dhaliyay meel ka fog 25 yaardi goolka kooxda Cameroon, Ivory Coast-na waxa ay halkaasi ku xaqiijisay guusha kaliya ee ay koox groupkaasi ka gaartay.

Cameroon ayaa dhowr jeer isku dayday inay iska soo gudo goolkaasi balse waa ay u suuragali waysay, oo ciyaaryahankooda Edgar Salli ayaa ka khasaariyay laba fursadood oo gool loo fishay.

Fursadahaas uu cunayna waxa ay ka dhigtay kooxdiisa Cameroon inay ugu hoos marto groupkaasi, halkaana waxaa Cameroon ka raacay taariikh oo waa markii ugu horreysay taariikhda Koobka Qaramada Afrika ay ugu hoosmarto shaxda groupyada.

Tababaraha Xulka Ivory Coast, Herve Renard ayaa ciyaarta kaddib waxa uu sheegay in tartanka uu haatan un u bilowday kooxdiisa.

Kooxdan lagu naaneeso maroodiyada ayaa waxa ay Axadda la dheeli doonaan kooxda Aljeeriya, iyadoo tababare Herve uu digniin u diray taageerayaasha iyo ciyaartoyda kooxdaasi, oo mar la waydiiyay inuu ka faa’iidaysan doono khibradda uu u leeyahay ciyaaraha Aljeeriya ayaa waxa uu yiri “haa dabcan”.

Dhanka kale ciyaartii dhexmartay kooxaha Guinea iyo Mali ayaa ku soo gabagabowday barbaro 1-1 ah, barbarahaasina waxa uu horseeday in midkoodna aanu u gudbin wareegga rubac dhammaadka maadaama ay 3-dii ciyaar ee ay dheeleen ay ka aruursadeen goolal iyo dhibco isku mid ah, marka maadaama aanay kala harin waa in loo sameeyaa qori tuur si midkood uu ugu gudbi tartanka qeybihiisa kale midka kalana uu boorsooyinkiisa u laablaabto.

Lahaanshaha sawirka getty image

Guinea ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay kaddib markii uu gool ku laad u saxiiday ciyaaryahan Kevin Constant, hasayeeshee waxa ay waxyar un kaddib ka badbaadeen in la barbareeyo kaddib markii Seydou Keita laga qabtay gool ku laad.

Sikastaba ciyaaryahan Modibo Maiga ayaa qeybta labaad ee ciyaarta u barbareeyay kooxdiisa Mali, oo 1-1 ayey ciyaartii ku soo dhammaatay.

Haddaba waxay noqotay maalin kadib in qori tuur, oo nasiib ah lagu kala saaro. Waxaana nasiibka ku soo baxay kooxda Guinea, oo Mali waa laga nasiib wacnaaday. Guinea ayaana la cayaari doonto kooxda Ghana.

Markii ugu dambeysay oo qori tuur lagu kala saaro laba kooxood tartankan ayaa waxa ay aheyd 1988-dii markaasi oo ay Aljeeriya ka faa’iidaysatay inay ku soo baxdo nasiibkeeda halkaana ay daadka ku raacisay kooxdii Ivory Coast.