Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Dhismayaasha daanta galbeed oo Mareykanka uu diiday

Mareykanka ayaa cambaareeyay go'aanka Israa'iil ee ay ku bixineyso qandaraaska dhismaha guryo cusub oo gaaraya 450 guri oo laga dhisaya dhulka falastiyiniinta ee ay israa'iil xoogga ku haysato.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee mareykanka ayaa sheegay in arrintaasi ay go'doon sii gelinayso israail.

Mareykanka ayaa ah saaxibka ugu dhow ee israaiil waxaana hadda soo baxaya shaki ah in dhaliilaha noocani ah ee uu mareykanka u jeedinaya Israaiil ay ka turjumayaan khilaaf dhanka aragtida ah.

Haddaba arrintani ma waxaa la dhihi karaa khilaaf mise mareykanka ayaa u daneynaya israa'iil? Su'aashaasi iyo kuwo kale ayaan u bandhignay Dr Sacad oo ka Faalooda arrimaha, Axmed Xaji Xasan ayuu u warramay...........