Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Taariikhda Xuseen Shiikh Axmed Kadare

Image caption Dr Xuseen Shiikh Axmed Kadare waxa uu ka mid ahaa xubnihii qoray Af-Soomaaliga

Allaha u naxariistee waxaa isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho ku geeriyooday Dr Xuseen Shiikh Axmed Kadare, oo ka mid ahaa aqoonyahanada udub dhexaadka u ahaa dhaqanka iyo afka Soomaaliga.

Dr Kadare wuxuu caan ku ahaa suugaanta, horumarinta afka Soomaaliga, cilmi baarista dhaqanka iyo hiddaha Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyskiisi iyo dhammaan bulshada Soomaaliyeed, isaga oo ku tilmaamay Xuseen Sh Axmed Kadare inuu ahaa halgamaa taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galey.

Xasan Shiikh wuxuu yiri "waxaan hubaa inuu kayd dhaxal gal ah uga tegey shacabka Soomaaliyeed. Kaalintii uu ka qaatey halganka gobanimadoonka, suugaanta iyo gacantii uu ka geystey dadaalkii la doonayey in lagu qoro farta Soomaaliga, waa kuwo mar walba lagu xusi doono diiwaanka dadka naftooda u hurey inay waddankan horumar gaarsiiyaan''.