Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxaad ka taqanaa Cudurka Kansarka?

Afarta bisha Febraayo waxa dunida laga xusaa cudurka Kansarka oo ay sanad kasta malaayiin qof caalamka ugu dhintaan.

Soomaaliya waxa ay ka mid tahay dalalka aan wax badan laga ogayn kiisaska cudurka kansarka, sidaas oo ay tahayna saraakiisha caafimaadku waxa ay sheegayaan in sanad kasta ay dhawr kun oo qof u dhintaan.

Halkan ka dhagayso waraysi uu weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan uu la yeeshay agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee Soomaliya Dr Cabdiqani Sheekh Cumar, oo marka hore sharaxaad guud ka bixinaya cudurka.