Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qoraaga Cabdullaahi Maxamed Sheegoow

Magaalada Muqdisho maanta waxaa lagu qabtay xaflad lagu soo bandhigayay buugaag Af-Soomaali ku qoran.

Buugaagtaasi waxaa ka mid ah buug uu qoray Cabdullaahi Maxamed Sheegoow, oo muddo dheer ku soo dhex jiray luqadda iyo waxbarashada Soomaaliya.

Buuggaasi oo uu ugu magacdaray Afkaaga u hiili ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uu ka wareystay Qoraaga Cabdullaahi Maxamed Sheegoow.