Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Prof Abdi Samatar oo falanqeynaya xaaladda Soomaaliya

Lahaanshaha sawirka other
Image caption Prof Abdi Ismail Samatar

Ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobau u qaabilsan dalka Soomaaliya, Nick Kay ayaa sheegay in nidaamka federalka iyo hiigsiga dowladda ee 2016 ay muhiim u yihiin qorshaha sanadkan.

Laakiin Mr Kay waxa uu qirtay in qalalaase siyaasadeed oo soo noq-noqday uu si weyn u gaabiyay wakhtigii qorshahaasi lagu fulin lahaa.

Hadalkan ayuu ka sheegay shir ay QM leedahay oo uu kaga warbixinayay xaaladda Soomaaliya.

Haddaba arrintaasi iyo xaaladda guud ee Soomaaliya waxaan ka warreysannay Prof Abdi Ismail Samatar oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya.