Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Cabdi Qaybdiid oo cambaareeyay shirka Muqdisho

Image caption Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid waa Madaxweynaha Galmudug

Magaalada Muqdisho waxaa ku shiray maalintii labaad madaxda dawladda federalka iyo madaxda maamul-goboleeyada Soomaaliya.

Waxaana shirka kala qayb galaya saraakiil ka socota beesha caalamka.

Hase ahaatee Madaxweynaha maamul gobolleedka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegaya in maamulkiisa aan laga qayb galin oo ay tahay xadgudub dastuuri ah.