Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeyn ku saabsan golaha cusub ee wasiirada

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma'arke ayaa ku dhawaaqay mar kale golihiisa wasiirrada oo ka kooban 68 xubnood.

Xubnaha golaha ayaa isugu jira kuwii todobaad ka hor uu dib ula laabtay Ra'iisul wasaaraha iyo qaar mudaneyaal ka ah baarlamaanka.

Waa markii 3aad ee tan iyo markii la magacaabay Ra'iisul wasaare Cumar uu ku dhawaaqo gole wasiirro oo aan weli baarlamaanka la hor geyn.

Haddaba xukuumadan maxay kala kulmi kartaa baarlamaanka, maxayse uga duwantahay tii ka horaysay.

Halkan ka dhagayso waraysi aan la yeelanay Dr Abdirizaaq Nuux Hassan oo faalo ka bixinaya golahan cusub iyo waxa laga filan karo Barlamaanka.