Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Somaliland oo burcad badan xukuntay

Ugu yaraan 50 qof ayaa loo xukumay dambiyo burcadnimo, tiro intaas ka badanna waa la qabqabtay, ka dib hawlgal ay Booliska Somaliland ka sameeyeen magaalooyinka Hargeysa iyo Burco, kuwaasoo lagu bartilmaameedsanayey kooxo burcad ah oo dadka ka furta telefoonnada iyo lacagaha.

Sidoo kale xukuumadda waxay sheegtay inay dardar gelin doonto fulinta xukunnada dilka, sida uu BBCda u sheegay Wasiir ku xigeenka Amniga ee Somaliland Cali Maxamed Cilmi oo u warramay wariyaheenna Axmed Siciid Cige.