Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xagey ku socotaa Yemen?

Jabhadda Xuutiyiinta Yemen, ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin la shaqeynta dhinacyada siyaasadda dalkaasi, kaddib markii ay jabhadaasi Shiicada ah xoog ku qabsatay xukunka dalka Yemen.

Kumannaan ah shacabka Yemen, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dibad bax ay uga soo horjeedaan xukun la wareegida Xuutiyiinka, ka dhigayay magaalooyinka dalkaasi.

Haddaba xagey ku socotaa Yemen? Muxuuse burburkeeda uga dhigan yahay dalalka deriska la ah?

Su'aalahaasi iyo kuwa kale ayuu Xasan Deeq Cabdullahi Haybe weydiiyay Maxamed Maxamuud Raage, oo ah bare wax ka dhiga jaamacadda RAF ee dalka Kenya.