Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

PEGIDA oo dibad bax ka dhigaysa Sweden

Ururka Islaamka Naceybka Yurub ee magaciisa loo soo gaabiyo PEGIDA, ayaa la filayaa in maanta uu dibad bax Islaamka ka dhan ah ka sameeyo magaalada Malmo ee dalka Sweden.

Ururkan oo ka bilowday dalka Jarmalka, ayaa hadda u muuqda in uu ku faafayo dalalka kale ee Yurub, waxaana ujeedkiisu yahay in laga hortago waxa uu ugu yeeray Islaamka ku faafaya qaaradda Yurub.

Afartii sano ee lasoo dhaafay, waxaa boqolkiiba 70 sare u kacay weerarrada ka dhanka ah Muslimiinta Sweden, iyadoo ay jiraan weerarro loo geystay masaajid.

Samiir Ducaale waa weriye ka tirsan idaacadda qaranka Sweden, waxaa uu khadka telefoonka ugu warramay Maxamed Cabdiraxmaan.