Dad iibsanaya dharka la soo isticmaalay ee Hudheyda
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxa kala socotaa dharka Hudheyda ee la soo isticmaalay?

Sanad walba kumanaankun oo qof oo kunool Britain ayaa waxa ay deeq ahaan u bixiyaan dharka ay isticmaaleen.

In badan oo ka mid ah dadkaan waxay rumaysanyihiin in dharkaasi loogu deeqi doono dadka u baahan.

Balse buug cusub oo arrintaasi laga qoray ayaa waxa lagu sheegay in inta badan dharkaasi deeq ahaanta loo bixiyo lagu loo suuq geeyo dibedaha.

Guud ahaan caalamka lacag dhan 4.3 bilyan oo doolar ayaa lagu qiyaasay in uu gaarayo ganacsiga dharka la isticmaalay ee dib loo suuq geeyo.

Meelaha ugu badan ee dharkaan loo suuq geeyo wax aka mid wadamada soo koraya sida kuwa qaarada Afrika.

Halkan ka dhagayso warbixin weriyaha BBC-da Mohamed Ibraahim Mucalimo uu ka diyaariyey iibsashada dharkan oo ay soomaalidu u taqaano Hudhay..