Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Barnaamijka doodda ee toddobaadka

Lahaanshaha sawirka BBC World Service
Image caption Miciin Cali, Guddoomiyaha xawaaladaha Soomaalida ee UK, oo la hadlaya Farxaan Maxamed Jimcaale

Barnaamijka doodda waxa uu ku saabsan yahay waxa uu salka ku hayo cadaadiska ay saareen bangiyada caalamka xawilaadaha Soomaalida.

Arrintan waxay ka dambeysay kaddib markii bangiga laga leeyahay dalka Mareykanka ee Merchants Bank ee California uu joojiyay adeegyada sharikadaha xawaaladaha Soomaalida uu u sameyn jiray.

Go'aankaasi waxay hey'adaha saafalku ku sheegayaan in uu saameyn doono oo uu joojin doono boqolkiiba 80 lacagta $200 million ee dollar ee sanad walba dadka Soomaalida ee qurbaha ee jooga Mareykanka gaar ahaan ay u diraan ehelkooda Soomaaliya ku nool.

Soomaaliya kama jirin adeeg rasmi ah oo bangi muddo dheer, waxaana xawaaladuhu ay ahaayeen qaabka keliya ee Soomaalidu ay wax isugu dirayeen muddo dheer tan iyo burburkii dowladda Soomaaliya.