Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maalinta Raadiyaha caalamka oo Soomaaliya laga xusayo

Maanta waxaa adduunka laga xusayaa maalinta Idaacaddaha Caalamka, maalintaas oo hay'adda UNESCO ay u astay sanadkii 2011kii. Magaalada Muqdisho waxaa lagu wadaa in si wayn looga xuso maalintaasi.

Maxaa u qorshaysan oo ay qabanayaan, su aashaas iyo kuwo kalaba waxaa ka jawaabaya Xasan Cali Geeseey oo ah gudoomiyaha ururka ay ku midaysayihiin Idaacaddaha Muqdisho ee SIMHA loo yaqaano, waxa uu magaalada Muqdisho ugu waramay wariyaha BBC Maxamad Ibraahim Macallimu.