Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Qandaraaska dekadda Barbara oo tuhun dhaliyay

Waxaa soo baxaya eedo la xiriira in wasiirada Somaliland ay la kala safanyihiin shirkado ku loo lamaya qandaraaska lagu helayo gacan kuhaynta dekadda Berbera.

Shirkadahaasi waxaa ka mid ah, Bollore oo laga leeyahay dalka Faransiiska iyo Dubia Ports World.

Axsaabta mucaaradka ee Somaliland ayaa dhankooda waxa ay walaac ka muujinayaan qaabka qandaraaskaasi loo bixinayo.

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasanoo ay dekedda Berbera ay hoostagto ayaa arimahaasi uga warramay weriyaha BBC-da ee Hargeysa Axmed Saciid Cige