Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Masar oo ka aargoosanaysa Daacish

Masar waxa ay codsaneysaa taageero caalami ah oo lagula dagaallamo Khilaafada Islaamka ee dalka Liibiya.

Baaqan waxa uu imaanayaa kaddib markii diyaaradaha dagaalka ee Masar ay duqeeyeen saldhigyo ay leeyihiin kooxo ku sugan Liibiya, taas oo aargudasho u ah dilka koox Masaari Qibdhiyiin masiixiyiin ah.

Safiirka dalka Masar ee dalka Britain, Nasser Kamel, waxa uu BBC-da u sheegay in isbuucyo gudahood ay qaaradda Yurub gaaridoonaan doomo sida wax uu ugu yeeray argagixiso haddii aan tallaabo la qaadin.

Taliyaanigu waxa uu hoosta ka xariiqay in ay eegayaan haddii la heli karo ciidamo Qaramada midoobeey ay hogaamineyso oo xasiliya Liibiya.

Balse waxa ay meesha ka saareen duullaan degdeg ah oo ay halkaasi ku qaadaan.

Weerar ay NATO hogaamineysay ayaa xilka lagaga tuuray Colonel Gaddafi, sanadkii 2011-kii, laakiin tan iyo xilligaasi Liibiya waxa ay bartamaha u gashay qalalaaso.

Hadaba siduu yahay dareenka gudaha ee dalka Masar, iyo waxa laga filayo dowladda Masar inay sameyso.

Arrimhaas iyo kuwa kale ayaa Cabdullahi Adeec oo ah weriye madaxbannaan oo kusugan Masar waxa uu uga warramay Axmed Xaji Xasan.