Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Go'aano ay soo saareen Ahlusunna Waljamaca.

Degmada Guracel waxaa maanta kulan ku yeeshay masuuliyiinta Ahlusunna Waljamaca ee gobollada dhexe waxana kulankooda ay ka soo saareen go'aanno la xiriira dagaaladii dhawaan ka dhacay degmadaasi.

War saxaafadeed ay ka soo saareen waxaa saxaafadda u aqriyay Shiikh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo ah ku simaha Gudoomiyaha Fulinta ee Ahlusnna Waljamaca oo kadibna wariyaha bbc Muqdisho Maxamed Ibraahim Aadan Macalimuu ayaa sheikhaa telefoon kula xiriiray oo waydiiyey wixii ay ka hadleen.