Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Ku biirida Soomaaliya ee Ururka Bariga Afrika

Maanta oo jimca ah, magaalda Nairobi ee Caasimda dalka Kenya waxa lagu wadaa in uu ka furmo shirweynaha wadamada xubnaha ka ah bulsha weynta bariga Afrika.

Kulankan ayaa madaxda waddamada bariga Afrika ee Kenya, Uganda, Tanzania, Rwanda iyo Burundi waxay isula soo qaadi doonaan arrimo ay ka mid yihiin amaanka, dhaqaalaha, ganacsiga iyo hiigsiga ah in waddamadan ay samaystaan hab siyaasadeed oo midaysan.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in madaxda bariga Afrika ay isla soo qaadaan sida laga yeelayo codsiga ay soo gudbiyeen wadamada Soomaaliya iyo South Sudan oo doonaya in ay xubin ka noqdaan Bulsha Weynta Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa saddex sano ka hor gudbisay codsigaasi, waxaana la tilmaamayaa in ilaa waqtigaasi la waday qiimayn ku saabsan in Soomaaliya ay ku biiri karto wadamadan iyo in Kale.

Halkan ka dhagayso waraysi weriyaha BBC-da Xassan Cali Geele uu la yeeshay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamed Cali Nuur, (Cali Ameerico)