Sanadka Cusub ee Shiinaha
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Maxa kala socotaa sanadka cusub ee shiinaha?

Wadanka Shiinaha waxaa ka socda dabaaldagyo lagu soo dhaweynaya sanadka cusub ee u gaarka ah dalkaasi. Sanad kasta waxa ay ugu magac daraan magac xayawaan. Waa arin lagu tixraacayo dhaqanka shiinaha.

Hadda waxaa dhamaaday sanadkii fardaha, waxaana bilowdayday oo loo dabaal dagayaa sanadkii ariga waxaana soo socda sanadkii daanyeerada.

Image caption Dr Cumar Cabdixamiid Axmad in badan ayuu shiinaha kunoolaa

Haddaba sanadkaasi cusub muxuu yahay, sideyse u dabaaldagaan?

Halkan ka dhagayso waraysi Xasan-deeq Cabdullaahi Haybe uu arrintaasi kala yeeshay Dr Cumar Cabdixamiid Axmad oo mudo lix sano ah wax ku soo bartay dalka Shiinaha.