Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Xawilaad la'aanta oo laga dayriyay

Hay'addaha gargaarka ee Soomaaliya waxa ay kadigayaan in malaayiin doolar oo Soomaaliya loo soo dirijiray sanad walba in ay halis ugu jirto in ay go'do.

Bangiyo badan oo ay reer galbeedku leeyihiin ayaa xiray xisaabaadkii xawaaladaha Soomaalida iyaga oo kabaqaya in ay ganaax adag mutaystaan hadii lacagahaasi ay xawaaladuhu dirayaan ay galaan gacmaha jihaad doonka.

Waxaa jidkaasi qaaday oo isna adeegii joojiyay Bangiga Marchants Bank ee dalka Maraykanka laga leeyahay kaas oo adeeg siin jiray inta badan xawaaladaha Soomaalida.

Bangiga Australia ayaa isagana dhawaan xiraya adeegyadaasi.

Warbixin ay todobaadkan soo bandhigeen hay'adda Oxfam iyo kooxo kale ayaa kadigay in saddex milyan oo qof oo Soomaali ah ay wajihidoonaan gaajo sanadkan haddii aan si dagdag ah xal loo helin.

Tafatiraha Afrika Mary Harper ayaa ka waramaysa, waxaase soo jeedinaya Xasan Cabdullaahi Haybe.