Kenya Ongair
Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaali qeyb ka ah dhallinyaro BBC xulatay

BBC-da ayaa dhawaan u dooratay laba koxood oo fadhigoodu yahay Kenya in ay ka caawiyaan sidii loo krodhin lahaa gaaritaanka BBC-da ee Qaaradda Africa.

Shirkado kala duwan ayaa soo dalabaday.

Ujeedada waxa ay tahay in iyadoo la adeegsanaya teknoloogiyada casriga ah laga caawiyo BBC-da in ay gaarto da' yarta ku dhaqan qaaradan.

Mid kamid ah labadaasi kooxood ee BBC-du dooratay ayaa sameeysay barnaamij farriimaha gaaban la iskula xiriiro oo la yiraahdo Ongair.

Mucaad Sheekh Cabdiraxmaan Mursal waxa uu ka mid yahay saddexda dhalinyaro ee sameyeeyay barnaamijka Ongair.

Waxaa uu ka warramay sida ay mashruucaasi ugu guulaysteen.