Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Muranka Dhulka oo Muqdisho ku soo badanaya

Muranada dhulalka ayaa ku sii kordhaya caasimadda Muqdisho xili ay soo badanayaaan qoysaskii sagaashamaadkii ka qaxay ee hantida ku lahaa magaalada oo dib ugu soo laabanaya.

Is jiidjiidka dhex mara dadka wada sheeganaya dhulalka ayaa loo aaneynayaa in ay sabab u tahay burburkii wadanka ku dhacay oo sababay in hal dhul dhawr document loo samaysto taasoo abuurta is faham la'aan la soo gudboonaato dadka kala sheeganaya hantidaasi.

Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamed Aadan oo u kuur galay muranada ka dhasha dhulalka la isku haysto ayaa warbixintan Muqdisho inooga soo diray.