Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaalida US oo ka shiray hanjabaadda Al-shabaab

Axadii la soo dhaafay, ururka Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaallama ayaa baahisay muuqaal video ah, oo uu hanjabaad ugu dirayo xarumo ganacsi oo ku yaalla Mareykanka, Canada iyo Britain.

Arrintaasi ayaa walaac weyn ku dhalisay Soomaali badan oo ku nool dalalkaasi.

Soomaalida Minneapolis ku nool ayaa ka shirtay hanjabaadaasi Shabaab ka timid.

Cabdiraxmaan Mukhtaar, waa agaasimaha xiriirka bulshada iyo barnaamijyada dhalinyara Somaliyeed ee Minnesota, waxa uuna ka mid ahaa qaban qaabiyaasha shirkaasi.

Weriyaha BBC-da Maxamed Xaaji Xuseen ayaa waraystay shirkaasi ay yeesheen.