Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Soomaaliya iyo Somaliland oo Istanbul ku kulmaya

Waxaa maanta lagu wadaa in uu dib u bilaawdo wadahadalka u socday dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Somaliland.

Wufuuda labada dhinac ayaa hadda ku sugan magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Somaliland ayaa sheegtay in aanay aqbali doonin in dad u dhashay deegaannada Somaliland ay wadahadalada u matalaan dhinaca dowladda Federaalka ah.

Waxaan arrintaasi ka waraysanay wasiirka arrimaha dibedda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yunis oo khadka telefoonka ee Istanbul ugu warramay weriyaha BBC Rage Xassan.