Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Wadahadallada Istanbul oo fashilmay

Wufuudda ay dowladda Federaalka iyo Somaliland u kala dirsadeen wadahadalka Istanbul, ayaa maanta kusoo kala laabanaya Muqdisho iyo Hargeysa, kaddib markii uu furmi waayay wadahadalkaasi.

Wafdiga Somaliland ayaa ka dalbaday kan dowladda Federaalka ah, in wadahadalka laga saaro xubno ay sheegeen in ay ka soo jeedaan deegaannada Somaliland, dalabkaasi oo uu ku gacan sayray wafdiga Federaalka.

Wasiirka warfaafinta ee dowladda Federaalka, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo ka mid ah xubnaha ay diidanaayeen wafdiga Somaliland, ayaa u warramay weriye madax bannaan, Nuur Xasan Bukhaari oo Istanbul kula kulmay.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed Biixi Yoonis, oo isna Nuur Bukhaari la hadlay ayaa ka warramay fashilka ku yimid furitaanka wadahadalka.